Ganacsatada & haldoorka bulshada oo u muuqda kuwo aan weli ka soo kaban cabsigelintii hore ee kooxda Daacish
Boosaaso waxay u muuqataa mid tuurtay heeryada cabsida, iskana dulqaadaysa rubcigii saaraa shacabkeeda iyo ganacsatadeeda in mudo ah.
Markii u horeysey waxaa la arkayaa shacab wadooyinka maraya oo bannaanbaxaya, kuwaasoo dadka ku khasbaya inay tagaan goobaha caafimaadka oo dhiigga u shubaan ciidanka halganka ka wada buuraha #Calmiskaad.
BOSSASO OO TUURTAY HEERYADII CABSIDA HAWEENKUNA HORMUUD U YIHIIN
Ganacsatada & haldoorka bulshada oo u muuqda kuwo aan weli ka soo kaban cabsigelintii hore ee kooxda DaacishBoosaaso waxay u muuqataa mid tuurtay heeryada cabsida, iskana dulqaadaysa rubcigii saaraa shacabkeeda… pic.twitter.com/KnY0zEQBwt
— Daljir Media (@radiodaljir) February 6, 2025
“War dhiigga shuba. War dhiigga shuba. War fadhiga ka kaca,” ayay cod dheer ku leeyihiin haween badan oo socod ku maraya waddooyinka Bossaso.
Waxay dhiirigelinayaan ciidanka Puntland iyagoo muujijaya farxadooda guusha ciidanku gaareen. “Daacish meeday iyo Puntland waydii,” ayay isugu hal celinayaan iyagoo codkoodu aad u dheeryahay oo dhiiran.
Waa tallaabo galaal xoor ah oo ay horseedayaan haweenka oo marwalba hormuudka bulshada ah, waxaa se weli gaaban codka ganacsatada iyo haldoorka bulshada oo u muuqda kuwo aan ka soo kaban cabsigelintii hore ee kooxda Daacish.
WITH WOMEN LEADING THE WAY BOSSASO STANDS TALL AGAINST ISIS THREATS & INTIMIDATIONS
A new dawn is breaking in Bossaso, where the fear of ISIS no longer holds sway. With women at the forefront, Bossaso stands tall against ISIS. Yet, the city’s leading businessmen, male community,… https://t.co/Shix4bhgYt
— Daljir Media (@radiodaljir) February 6, 2025
Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daljir
COMMENTS