Madaxweynaha Burkina Faso Ibrahim Traore ayaa joojiyay dhismaha 200 oo masaajid, baddalkoodana Sucuudiga u sheegay in ay keenaan mashaariic horumarin.
Madaxweyne Traore waxa uu Sucuudiga u sheegay haddii ay dalkiisa caawinayaan ha maalgaliyeen oo ha dhiseen iskoolo waxbarasho, cisbitaalo iyo ganacsiyo abuura shaqooyin, korna u qaada xaaladda nololeed ee dadka Burkina Faso.
Waddamada Saaxilka oo Burkina Faso kamid tahay waxa ay dagaal ba’an kula jiraan xagjirka ISIS oo u badan Waahaabiyada, asal ahaana ka soojeeda Sucuudiga, waddamada saaxilkuna ay sheegeen in Faransiisku hormuud u yahay siyaasadda xagjirka ee Saaxilka, taas oo dhalisay in badi waddamada Galbeedka Afrika, oo ay ugu horreeyaan Burkina Faso, Niger iyo Mali, ay Faransiiska ka saaraan dalalkooda.
> Daljir Media
COMMENTS