C/raxmaan C/shakuur: “Waxaan cambaareynayaa cabsi gelinta NISA ee Wariyaha Rug cadaaga Harun Macruf ”

C/raxmaan C/shakuur: “Waxaan cambaareynayaa cabsi gelinta NISA ee Wariyaha Rug cadaaga Harun Macruf ”

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa cambaareeyay waxa uu ugu yeeray cabsi gelinta Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka NISA ee ka dhanka ah Wariyaha rug-cadaaga ee VOA Harun Macruuf.

C/raxmaan C/shakuur ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray in qoraalka NISA uu yahay dagaal furan oo ka dhan ah Xoriyadda Saxaafadda iyo Saxaafadda Madaxa bannaan.

“Waan Cambaareynayaa cabsi gelinta NISA ee ku saabsan Wariyaha rug cadaaga ah Harun Macruuf, tani waa dagaal furan oo ka dhan ah xorriyadda saxaafadda iyo saxaafadda madaxa bannaan. Waxay kaloo caddeyn u tahay ku-takri-falka awoodda hay’adaha amniga inay ka horjoogsadaan dadweynaha inay helaan wararka ujeeddooyinka iyo dhexdhexaadnimada ah”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Eedeyntii NISA u soo jeedisay wariye Harun Macruuf oo ahaa inuu leeyahay xiriiro khatar ku ah Amniga Qaranka ayaa ka falcelinteeda si weyn u qabsatay baraha bulshada, waxaana ka soo hadlay dad badan oo isugu jira wariyeyaal iyo siyaasiyiin oo garab istaag u muujiyay Harun Macruuf.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com