Cabdi Qeybdiid oo dhaliilay siyaasada dowlada federalka ee Amniga

Cabdi Qeybdiid oo dhaliilay siyaasada dowlada federalka ee Amniga

Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ka mid ah Senotarada Aqalka sare ayaa dhaliil u soo jeediyay siyaasada dhinaca amniga ee dowlada federalka Soomaaliya.

Wareysi uu siiyay Senatorka Taleefishinka Universal ayuu ku sheegay in iyadoo dalku u diyaargaroobayo doorasho aysan muuqan amni buuxa oo dalka ka jira.

“Runtii aniga waxaan u arkaa in xilligaan dalka uu u baahan yahay isbedel Siyaasadeed, mid amni iyo mid doorasho,waayo iima muuqato waddo amniga lagu sugayo sababtoo ah dowladda deegaano amni uu ka jiro ayay ciidamo geysay”ayuu yiri Senator Qeybdiid.

Senatorka oo muddo dheer ku soo dhex jirey ciidamada ayaa sheegay in ciidamada la geeyay gobolka Gedo aysan ahayn fikir wanaagsan iyadoo magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda uusan ka jirin amni.

Dowlada Federalka ayaa hore dhaliilo badan loogu soo jeediyay ciidamada ay geysay gobolka Gedo iyo weliba magaalada Dhuusamareeb iyadoo deegaanadaasna ay ahaayeen kuwo amni uu ka jiro.

Ciidmada dowlada ee la geeyay gobolka Gedo ayaa dagaal la galay ciidamo daacad u ah maamul goboleedka Jubbaland halka ciidamadii la geeyay Dhuusamareebna ay la dagaalameen ciidamadii hore deegaankaa uga talin jirey ee ka tirsanaa ururka Ahlu Sunna.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com