Cabdiqaadir Siciid Qaal ayaa ku guulaystay duqa cusub ee Qardho

Cabdiqaadir Siciid Qaal ayaa ku guulaystay duqa cusub ee Qardho

Ururka Mideeye ayaa ku guulaystay duqa magaalada Qardho ahna guddoomiyaha golaha deegaanka kadib markii uu 7 cod dheeraaday musharraxii la tartamayey ee ururka Kaah Maxamed Faarax Cabdi Buraale.
Duqa cusub ayaa helay 20 cod oo mudanayaasha golaha deegaanka ah, halka musharraxa la tartamayeyna uu heley 13 cod, waxaana tirada guud ee golaha deeegaanku ay ka kooban tahay 33 xubnood.
Tirada codadka uu ku soo baxay guddoomiyaha cusub ee degmada Qardho waa isku darka tiradii xubnaha galaha deegaanka ay ka heleen ururada Mideeye iyo Sincad oo horay is bahaysi ay samaysteen ku hantay maamulka degmooyinka Qardho iyo Ufayn, waxayna meesha ka saareen ururkii dawladda matalayey ee KAAH, kaasoo looga adkaaday Qardho iyo Ufayn ba.
Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljjr.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com