Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay falka diblomaasiga ka baxsan ee uu maamulka Abiy Axmed shalay kula dhaqmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socday.
Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in xadgudubka diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee martigelinta xarunta Midowga uu dhigayo dhowrto habmaamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga iyo wufuuddooda.
“Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo” ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan C/Shakuur Warsame.
Wuxuu intaas ku daray Xildhibaanka in falka ay Itoobiya ku sameeysay Madaxweyne Xasan Sheekh uu tilmaan ka bixinayo kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed.
“Abiy Soomaaliya wuxuu u haystaa dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda. Shiinaha waxay dhahaan dhibku (crisis) waa seef labo afle ah, in aad cashar ka qaadato oo ay ku noolayso, ama in aad wax ka baran waydo oo ay ku wiiqdo. Allaha nagu duwo tan hore” ayuu sii raaciyay Qoraalkiisa.
COMMENTS