Cajiib: Nin 41 Sano la baadigoobayey oo ugu dambeyn la helay (dhegayso)

Cajiib: Nin 41 Sano la baadigoobayey oo ugu dambeyn la helay (dhegayso)

Maxamed Cabdi Xuseen Waa nin la wayaay dagaalkii 1977 ,Xiligaas uu socday dagaalki u dhexyaay Somaaliya iyo Dowladda Etoobiya ,eheladda Maxamed oo Daljir soo booqday maanta ayaa sheegay in ay heleen 41 sano kadib.

Cabdulaahi Cabdi Xuseen oo ah walaalka Maxamed Cabdi xuseen ayaa isago soo boqday Daljir Garoowe ,wuxuu sheegay in 41 sano kadib uu arkay sawirka walaalkii Maxamed oo wakhtigaas ugu dambeysay,isago sheegay inay u sahashay inay arkaan Baraha bulshadda oo lagu faafiyaay sawirkiisa.

Wuxuu sheegay in ay aad ugu farxeen 41 sano kadib in ay arkeen oo ay ka arkeen facebook,isago sheegay in aysan wali helin balse ay ku rajaweynihin maadama uu noolyahay inay arkaan.

Hoos kadhegayso eheladda Maxamed

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abti yariisoow 6 years ago

    Ilaa has caawin leh hala caawiyo
    Si deg deg ah waad mahadsantihiin

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com