Calanka Puntland oo hoos loo dhigay, ka dib geeridii naxdinta lahayd ee M/weyne C/laahi Yuusuf.

Garoowe, Mar, 23 – M/weynaha dawladda Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo shir jaraa?id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa sheegay in muddo sadex cisho hoos loo dhigay calanka Puntland geerida ku timid M/weynihii hore ee Somaliya C/laahi Yuusuf Axmed aw-geed. Wuxuuna intaasi raaciyey in marxuunka lagu aasi doo deegaanada Puntland.

Md. Faroole ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaamba umadda Soomaliyeed waxaana uu si gaar ugu tacsiyeeyey eheladii marxuunka oo uu sheegay inuu telefoon kula hadlay.

M/weyne Faroole ayaa sheegay in M/weyne C/laahi Yuusuf uu ahaa nin miisaan wayn ku dhex leh umadda Soomaliyeed ayna geeridu tahay mid xaq ah oo qof walba sugeysa.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com