Dadweynaha reer Buuhoodle oo aad uga dhiidhiyey khudbad Cali Khaliif jeediyey ayaa sameeyey dibadbax ballaadhan oo ay ku diidan yihiin cadaawadda Cali Khaliif kaga dhawaaqay Caynaba. Cali Khaliif ayaa ka dhawaajiyey in loo baahanyahay in la qabto Buuhoodle iyo gobolka Cayn, si taasi u suurtagshana garab weydiistay maamulka Somaliland iyo beesha Isaaq.
Warbixinta hoose waxaa Buuhoodle ka soo diray Khadar Cawl Ismaaciil
Hoos ka daawo shirka jaraa’id ee Cali Khaliif Galayr qabtay asaga oo Soomaalilaan iyo beesha Isaaq ka codsaday in lagu duulo Puntland, yirina, “war adeerayaaloow nala garta oo gacan na siiya.” Qayb kamid ah ka sooqaybgalayaasha ayaa u riyaaqay hadalka Barafasoorka mar bare ka ahaa jaamacadda caanka ah ee Harvard University (Boston/Cambridge, USA), meesha qaar kale, markii kamerada lala raacay, uu aamus iyo amakaag ka soo haray.
Hoos ka daawo.
COMMENTS
Hhhhhhhh wa nacas xun
Hamda Said Ali waa war cusub
Abdulkadir Hassan Aden waa in beesha la baraa oo DNA laga qaado seey mama malyuun sheegtay waxbaa ka jira
Waan filayey inay halkaas ka gashay odayga
hhhhhhh ma jirto ceeb ka wayn nin dalkisa iyo dhulkiisa gumaysi la raba