CAQABAD DHAQAALE OO DARAN OO SOO WAJAHDAY HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA

CAQABAD DHAQAALE OO DARAN OO SOO WAJAHDAY HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA

CAQABAD DHAQAALE OO DARAN OO SOO WAJAHDAY HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA & MAREYKANKA OO DIIDAY IN UU TAAGEERO DHAQAALE SIIYO HAWLGALKA

Sidaan maqaalkeenii kal hore ku faahfaahinay, waxaa xaalad daran oo dhaqaale ku sugan Hawlgalka AUSSOM, kaas oo haddii sida la saadaalinayo uu dhaqaale waayo, la kala diri doono. Ciidamada AUSSOM oo indhawaale muddo haatan ka badan 8 bilood aan mushaar qaadan, iskuna hallanayey miisaaniyad ka timaada Mareykanka, ayaa waftigii AU-du waxay Washington kala soo laabteen faramarnaan. Xaalkuna waxa uu ka sii daray kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanku ay xalay soo saartay war murtiyeed ka biyadiiday go’aamadii shirkii Madasha Wadatashiga Qaran, kuna sheegay mid ka horimaanaya “nidaamka fadaraalka iyo doorashooyinka dalka.”

Howlgalka AUSSOM oo bilaabanaya 1da Luulyo 2025, waxa uu u baahanyahay dhaqaale ka badan $1 bilyan USD si uu hawlgalo shanta sano ee soo socota. Intaa waxaa dheer, waxaa jira deyn dhan $96 milyan oo weli lagu leeyahay howlgalkii hore ee ATMIS, una baahan in la bixiyo, oo shaqaalihii iyo askarta qaar baan wax mushaar ah qaadan muddo ka badan 8 bilood.

Ballanqaadka deeq bixiyeyaasha ATMIS/AUSSOM oo Mareykanku ugu horreeyo shilin laga filan mayo sida hadda xaal yahay, Baarlamanka Mareykankuna ku celceliyey. UK iyo Midowga Yurub illaa iyo hadda ayana dhaqaalo darro xun oo haysa waa ay ka cagajiidayaan taageerada dhaqaale ee hawlgalka AUSSOM.

Midowga Afrika ayaa la sheegay in uu illaa iyo hadda gacanta ku hayaa $16.7 milyan USD kaliya oo ka timid Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, $3 milyan oo ka timid Japan, iyo $1 milyan oo ka timid Shiinaha, taasina waxay dabooli kartaa wax ka yar 9% miisaaniyadda loo baahanyahay sannadka 2025-ka oo keliya oo lagu qiyaasay ugu yaraan $190 milyan USD.

Dawladda Qadar ayaa hadda sheegtay in ay dhammaadka bishaan shir yabooh ah ku qabaneyso Dooxa, mise fiicna rajada in dhaqaale loo helo hawgalka AUSSOM.
Qadar iyo Turkiga oo isku xulufo ah ayaa tan iyo heshiiskii shidaalka ee Turkiga iyo Soomaaliya u xayxaydanaya burburinta nidaamka fadaraalka Soomaaliya, rajana ka qaba in ay Xasan Shiikh mar kale ku soo celiyaan Villa Somalia, dalkana ka suuliyaan nidaamka fadaraalka. Mareykanka ayaa dhankiisa taageeraya nidaamka fadaraalka, qorshaha Xasan Shiikh ee Turkigana u arka mid ku xadgudbaya dastuurka dalka.

Haddii hawlgalka AUSSOM la kala diro kahor bisha Luulyo, ciidamada Turkiga kaligood al-Shabaab ma ka difaaci karaan Xamar?

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com