CAQABAD DHAQAALE OO INTEE LE’EG BUU HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA WAJAHAYAA, MISE SII SOCON KARAA?

CAQABAD DHAQAALE OO INTEE LE’EG BUU HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA WAJAHAYAA, MISE SII SOCON KARAA?

CAQABAD DHAQAALE OO INTEE LE’EG BUU HAWLGALKA NABAD-ILAALINTA IYO XASILINTA EE MIDOWGA AFRIKA (AUSSOM) EE SOOMAALIYA WAJAHAYAA, MISE SII SOCON KARAA?

Saan maqaalkeeni hore ee shalay (arag hoos) ku soo warinay, waxaa xaalad daran oo dhaqaale ku sugan Hawlgalka AUSSOM, kaas oo haddii sida la saadaalinayo uu dhaqaale waayo, la kala diri doono. Shirkii Kampala oo Soomaaliya si toos ah looga wareejiyey la xisaabtanka iyo hawlgalinta hawgalka, oo Soomaaliya laga dhigay sidii Dawlad Kumeelgaar ah (KMG) oo kale, hawlgalkana lagu wareejiyey Uganda, sida maanta muuqata uma eka mid sii jirin doona.

Haddaba waa maxay caqabadaha dhaqaale ee haysta Hawlgalka? Howlgalka AUSSOM oo bilaabanaya 1da Luulyo 2025, waxa uu u baahanyahay dhaqaale ka badan $1 bilyan USD si uu hawlgalo shanta sano ee soo socota. Intaa waxaa dheer, waxaa jira deyn dhan $96 milyan oo weli lagu leeyahay howlgalkii hore ee ATMIS, una baahan in la bixiyo, oo shaqaalihii iyo askarta qaar baan wax mushaar ah qaadan muddo ka badan 7 bilood.

Ballanqaadka deeq bixiyeyaasha ATMIS/AUSSOM ee waaweyn sida Mareykanka, UK, iyo Midowga Yurub illaa iyo hadda waa ay ka cagajiidayaan taageerada dhaqaale ee hawlgalka, oo dhammaan dalalkii taageri jiray hawlgalada Midowga Afrika ayaa dhaqaale ahaan noqday kuwa aad u liita dagaalka Ukraine darti.

Midowga Afrika illaa iyo hadda waxa uu gacanta ku hayaa $16.7 milyan USD oo ka timid Sanduuqa Nabadda ee Midowga Afrika, $3 milyan oo ka timid Japan, iyo $1 milyan oo ka timid Shiinaha, taasina waxay dabooli kartaa wax ka yar 9% miisaaniyadda loo baahanyahay sannadka 2025-ka oo keliya oo lagu qiyaasay ugu yaraan $190 milyan USD.

Haddaba ma sii jiri karaa hawgalka AUSSOM, Soomaaliya se maxaa u talo ah?

Adduunkii waa isbadalay, madaxda Soomaaliyana meel kasta oo ay joogaan waa kuwo u dhaqma sidii in wax isbaddal ah uusan adduunka weli ka dhicin. Haddaba maxaad kula talin lahayd madaxda Soomaaliyeed oo Soomaali maanta la gudboon? Mise waxaa la sugaa Gegida Diyaaradaha Aadan Cadde oo lala mataal dhigo tii Kabuul?

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com