Carabtii oo hadda waa’ ku beryey kaddib duqeyntii Mareykanka ee warshaddii gaaska dabiiciga ee Iran

Carabtii oo hadda waa’ ku beryey kaddib duqeyntii Mareykanka ee warshaddii gaaska dabiiciga ee Iran

Carabtii oo hadda waa’ ku beryey kaddib duqeyntii Mareykanka ee warshaddii gaaska dabiiciga ee Iran

Khariiradda Bariga Dhexe oo la filayo in isbaddal mug leh ku dhaco, dalal badan oo Imaaraadka iyo Qadar kamidyihiina la waayo | Soomaaliya maxaa u talo ah?

Maanta waxaa Bariga Dhexe ka dhacay wax indhawaalaba la filayey. Ceelasha gaaska dabiiciga ee Iran iyo Qadar waa kuwo isku dheggan oo labada dal qaybsadaan. Kuwii Iran saaka ayuu Mareykanku gubay, Iran ayana waxay ballanqaaday duqeyn daran oo ay la beeganeyso dhammaan ceelashasa iyo warshadaha Carabta ee shidaalka. Qadar oo maanta waa’ ku beryey waxay isla markiiba nacaladay Israal, waxaana u muuqday bilowgii dhammaadka barwaaqo ay moodeen in aysan dhammaad lahayn.

Qadar kaliya ma aha ee Sucuudiga, Imaaraadka, Kuwait iyo dhammaan Carabta Khaliijka waxaa maanta u furmay wajiga cusub ee dagaalka ay keeneen Bariga Dhexe ayaga oo qorshahoodu ahaa in Israal ka taliso Bariga Dhexe oo dhan.

Falaanqeeyayaasha siyaasadda Bariga Dhexe ayaa hadda saadaalinaya in dalalka Imaaraadka, Baxreyn, Kuwait iyo Qadar aysan sii jiri doonin, oo Imaaraadku noqon doono Cumaan kaddib markii lagu kala tago Dubai iyo Abu Dhabi. Qadar ayaa la saadaalinayaa in Sucuudigu la wareegi doono. Qaybo Sucuudiga kamid waxaa la wareegi doonaa Yaman oo hore Sucuudigu ugala wareegay. Kuwait iyo Baxreyn oo Shiicadu tahay celcelis ahaan in ka badan 50% waxaa la saadaalinayaa in dawlado cusub ka dhalan doonaan, ama Baxreyn noqon doonto gobol Iran, meesha Ciraaq la wareegi doonto Kuwait.

Isbaddalka ayaa la sheegay in isla saaka uu ka bilowday Dubai, Abu Dhabi iyo Dooxa kaddib markii bangiyadu xammili waayeen lacagaha lala baxayo, aysana jirin dakhli ka imaanaya iibka shidaalka.

Waxaa la saadaalinayaa in isbaddal mug leh uu ku soo fool leeyahay Bariga Dhexe, kaas oo saameyn ku yeelan doona Soomaaliya. Soomaaliya iyo maamulada Soomaaliya diyaar ma u yihiin isbaddalka ku soo wajahan? Maxaad se maanta Soomaali kula talin lahayd? Nala qaybso fiiradaada iyo falceliskaagaba.

> Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com