Uguyaraan 45 qof ayaa ku sumoobay degaanka Ceel-Daahir ee gobolka Bari,kadib markii ay ku sumoobeen caano ay cabeen.
Dadkan ku sumoobay caanaha ayaa isugujiray Haween iyo Caruur ,waxaana kamid ah dadkan laba haween ah oo xaamilo ah.
Majirto cid ku dhimatay dhacdadan ,waxaana dadkii ku sumoobay caanahan la geeyay Isbitaalka degmada Carmo.
Faadumo C/laahi Cade oo ah maamulaha Isbitaalka degmada Carmo ayaa , wariye Xasan Heykal uga warantay dakan iyo sida ay ku sumoobeen.
COMMENTS