Waxaa aad looga deyrinayaa Xaalada nolosha shacabka kunool degmada Ceelwaaq oo ka tirsan gobolka gedo,kadib markii ay go’doomiyeen degmada kooxda Al-shabaab.
Gudoomiyaha degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Sahal Macalin ayaa sheegay in dadka kunool degmadaasi ay haysato xaalad nolol xumo oo aad u liidatogo’doonka ay saareen.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in degmada aysan laheyn garoon diyaaradeed oo ay dadka adeegsadaan,taasina ay sababtay in maciishda ay kor u kacdo.
waxaa uu sheegay guddoomiyaha in degmada aysan kajirin adeegyadii ay u baahnaayeen bulshada ee asaasiga ahaa sida caafimaadka, Biyaha iyo waxbarashada loona baahan yahay in si deg deg ah arintaasi wax looga qabto.
COMMENTS