Ciidamada amaanka Puntland, ayaa galabta gacanta ku dhigay Markab Xamuul ah oo hub sida

Ciidamada amaanka Puntland, ayaa galabta gacanta ku dhigay Markab Xamuul ah oo hub sida

Bareedda/Puntland: Ciidamada amaanka Puntland, ayaa galabta gacanta ku dhigay Markab Xamuul ah oo hub sida, kaasoo la sheegay inuu ku ciladoobey xeebaha Degmada Bareedda ee gobolka Raascasayr.

Xiriiro Daljir ka heshay ciidamada saaran Markabka, ayaa xaqiijiyey inuu xambaarsan yahay hub culus oo noocyo badan leh, calaamado hubka lagu arkay ayaa muujinaya In Hubkan laga soo raray dalka Turkiga uuna kusii jeedo Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Raascasayr oo Daljir la hadashay, ayaa xaqiijiyey qabashada Markabkan.

“Ciidamada ayaa saaran, anigu hadda Baargaal baan ka tegey waana kusii dhowahay goobta lugu hayo, markaan dultagno ayaanu ka hadli doonaa”. Ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Raascasayr Mudane Cumar Cismaan Siciid.

Dhinaca kale saraakiil ka agdhow Madaxtooyadda Puntland, Ayaa Warbaahinta Daljir u sheegay in ay suurtagal tahay siidaynta Markabkaasi.

“Dawlad weyn baa leh waxaa laga yaabaa inay dhahaan Saldhigeena Muqdisho baa loo wadaa way adag tahay in la haysto”. Ayuu yiri Masuul ka ag dhow Madaxtooyada Puntland oo Daljir kala sheekaysatay talaabooyinka Suurtagalka ah ee Markabkan laga qaadi karo.

Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com