Ciidamada AMISOM oo qarax lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Ciidamada AMISOM oo qarax lagula beegsaday Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-shabaab ayaa qarax miino kula beegsatay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ciidamo katirsan AMISOM, gaar ahaan kuwa Itoobiya oo ku sii jeeday saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Halgan oo u dhaxeeya Beledweyne iyo Buulo Burde.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan waxayna ay sheegeen in ay kudileen qaraxan ilaa iyo ku dhawaad 30 askari.

Ma jirto war ka madax banaan sheegashada Al-Shabaab oo ka soo baxay Ciidanka AMISOM iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay dagaal xoogan ay kula jireen kooxda Al-shabaab iyagoo ka qabsaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com