Xaaladda Itoobiya ayaa illaa shalay saacad saacad isku badalaysid kaddib markii ciidamada Amxaarada iyo FANO shalay dhinacyada ka soo fariisteen Baxir Daar, caasimada gobolka Axmaarada. Abiy oo aad u welwelsan waxa uu amray shalay in Itoobiya Airlines ay 32 jeer ciidamo ku daadgureyso magaalada. Laakiin taasi waxba kama badalin xaalka magaalada oo saaka jabhadihii Amxaaradu waxay gudaha u soo galeen xaafadaha magaalada oo hadda dagaal darani ka socdo, kaas oo sababay in taliye kuxigeenkii booliska la dilo, saraakiil sarsarena gacanta lagu dhigo.
Ciidamada Axmaarada ayaa hadda la filayaa in ay la wareegaan Baxir Dar, Gondar ayaa iyana la filayaa in ay sidoo kale dhakhso uga baxdo gacanta Abiye Axmed.
Ciidamada Amxaarada ayaa la sheegay in ay isku sii fidinayaan waddada muhiimka ah ee loo maro biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).
Ciidamada dawladda ayaa la sheegayaa in uu gaaray jab ba’an, su’aasha la isweydiinayaana waa, jabhadda Oromada ee OLF ma garabistaagi doontaa FANO iyo ciidamada kale ee Amxaarada si ay dhakhso u galaan Addis Ababa. Sidoo kale weli lama hubo qorshaha Tigreega iyo waliba kan ururka Soomaalida ONLF oo waayahaan shirar u socdeen.
Daljir isha ku hay oo ha moogaan wararkii ugu dambeeyey ee dagaalada xawaaraha ku socda ee Itoobiya.
> Daljir Media
COMMENTS