Ciidamada Dawladda Sudan oo la Wareegay Madaxtooyada, RSF-na ka saaray Badi Khartuum

Ciidamada Dawladda Sudan oo la Wareegay Madaxtooyada, RSF-na ka saaray Badi Khartuum

Laba sano kabacdi ciidamada dawladda Sudan ayaa saacado kahor la wareegay madaxtooyadii Sudan iyo dhammaan deegaanada ku hareersan ee bartama Khartuum ee aagga wabiga ahna meesha ay ku kulmaan labada Wabi Niil ee Niilka Cad iyo Niilka Buluugga ah. RSF ayaa madaxtooyada qabsatay bishii April 2023.

RSF ayaa weli haysata badi galbeedka Sudan, laakiin ciidamada dawladda ayaa dhawaan RSF kala wareegay magaalada al-Fashir oo ah caasimadda Waqooyiga Darfur ahna magaalo muhiim ah dhanka istaraatajiyada. Nyala oo ah koonfurta Darfur waxaa weli gacanta ku haya fallaagada RSF.

RSF waxay gacan ka heshaa calooshood-u-shaqaystayaal ka kala yimid daafaha adduunka, ayna ugu badanyihiin kuwa Columbia Mercenaries. Fallaagada RSF waxaa hubeeya oo maalgaliya Imaaraadka. Dahabka Sudan oo godadka laga qodo ay gacanta ku hayaan fallaagada RSF ayaa loo dhoofiyaa Imaaraadka.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com