Ciidamada dowladda oo howlgallo ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada dowladda oo howlgallo ku burburiyay Xarumo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay degaano ka tirsan gobolada Shabeellaha Hoose & Hiiraan ee Maamulada Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Howlgalka Koowaad oo ujeedkiisu ahaa ka hortaga weerarada Al-Shabaab ayaa Ciidanka Guutada 16-aad ee Kumaandooska DANAB ka sameeyeen degaanada kala ah Maracadde, Ceelsaliini, Qodqodka, Gendershe, iyo degaano kale oo ka tirsan gobolka Shabeelaha hoose.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa Warbaahinta Ciidamadda u sheegay in ciidanka Xoogga howlgalka ay ku burburiyeen Xarumihii ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale Taliyaha waxaa uu sheegay in Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan Kumaandooska in howlgalka qorsheeysan intii uu socday ay gabi ahaanba cagta mariyeen gododkii ay ku dhuumaaleeysanayeen Al-Shabaab, isla markaana ay gaarsiiyeen khasaare xoogan.

Dhinaca kale Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Gor Gor gaar ahaan Ururka 8aad ayaa Howlgal Miino baaris ah ka fuliyay degaano ay Miinooyiin Al-shabaab ku Aaseen Wadooyinka ay isticmalaan Shacabka ku dhaqan Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhexeeysa Magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo-burde.

Ciidanka Kumaandooska Gorgor ayaa Howlgalka ka fuliyey wadooyinka isku xira degaanada kala ah Ceel lahelay,Afar Irdoodka ,Ceelow cusub, xujuub, iyo wadooyinka soo gala Magaalada Beledweyne Gobolka Hiiraan.

Taliyaha ururka 8aad ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor Dhamme Maxamed Xirsi ayaa sheegay in lagu guuleestay in Banaanka loosoo saaro Qaraxyo ay Al-Shabaab ku aaseen waddooyinka ay isticmalaan Shacabka Soomaaliyeed

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com