Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan katirsan gobolka Gedo

Ciidamada dowladda oo la wareegay degaan katirsan gobolka Gedo

Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa saaka la wareegay degaanka Yurkud oo hoostaga degmada luuq, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo degaanka ah iyo maamul ay disteyn dadka degaanka.

Degaanka yurkud ayaa waxaa ay aheyd goob Maamulka Gobolka Gedo uu lacagaha uga qaadi jiray Gaadiidka ka baxa Magaalada muqdisho, balse Ciidamo deganka ah ay bedelaan, kuwaas oo hadda degaanka laga wareejiyay

Todobaadyadii la soo dhaafay waxaa degaanka Yurkud ee degmada luuq ku sugnaa mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo, & saraakiisha ciidamada Millateriga & Booliska, iyaga oo halkaasi u tegay xalinta shaqaaqo Ciidan oo halkaasi ka taagneyd.

Degmooyinka Gobolka Gedo ayaa inta badan waxaa ku sugan ciidamo ay geysay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxaana horay meesha looga saaray ciidamo ka amar qaadan jiray Maamulka Jubbaland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com