Ciidamada Israa’iil oo dilay dad badan Falastiinyiin ah

Ciidamada Israa’iil oo dilay dad badan Falastiinyiin ah

Ugu yaraan 42 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay ciidamada Israil Sabtidi shalay ku bartilmaameedsadeen degmooyin ku yaalla waqooyiga Marinka Gaza.

Ismail Al-Thawabta oo ah agaasimaha xafiiska warfaahinta Xamaas ee Gaza ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay, in 24 kamid ah dadka dhintay lagu dilay madaafiic lagu garaacay guri ku yaalla xerada qaxootiga Al-Shati oo mid ah sideed kaam ee taariikhiga ah ee qaxootiga Gaza, 18 kale ayuu sarkaalkani sheegay in ay ciidamada Isra’il ku dileen xaafadda Al-Tuffah.

War kasoo baxay millatariga Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda ay duqeeyeen laba xarun oo ay Xamaas ku leeyihiin Marinka Gaza. Waxay sheegeen in ay dhawaan bixin doonaan faah faahin dheeri ah.

Hamas ayaase beenisay oo sheegtay in weerarkaasi lala beegsaday dad rayid ah isla markaana wacad ku maray in Isra’il ay ka shallaay doonto waa sida ay hadalka u dhigeene.

Duullaanka Isra’il ee Gaza ayaa billowday horraantii bishi October ee sannadki hore, kaddib marki ay Xamaas weerartay koofurta Isra’il halkaas oo ay ku dishay in ka badan 1,200 isla markaana soo afduubatay boqollaal kale, hase yeeshee muddo siddeed bil kaddib, Isra’il ayaa Gaza ku dishay in ka badan 37 kun oo ruux oo Falastiiniyiin u badan dumar iyo carruur.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com