Ciidamada Jubbaland oo howlgalo qorshaysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Ciidamada Jubbaland oo howlgalo qorshaysan ku dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

Saraakiisha Ciidamada amniga ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka war bixiyay howlgallo ka dhacay gobolada Gedo iyo Jubada hoose,kaas oo ay fuliyeen ciidamada.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdi Nuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalladaas ay Ciidamada Jubbaland ku dileen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab sidoo kalena qaarkood ay nolosha ku qabteen.

waxa uu  sheegay in howlgalka laga sameeyey deegaannada Cabdala Biroole, Yaaq Bishaaro iyo deegaano kale oo hoostaga degmada Jamaame.

 

Afhayeenka oo hadalkiisa siiwata ayaa sheegay in howlgaladaas guulo kale oo waaweyn laga gaarey,sidoo kalena ay Ciidamadu dileen Afar Xubnood oio ka tirsan Al-Shabaab  ayna  ka qabsadeen saanad Millateri sida uu hadalka u dhigey.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Ciidamada Jubbaland ay u taagan yihiin ka hortagida in falal amniga lidi ah ka geystaan Al-Shabaab degmooyinka ay ku sugan yihiin Ciidamada Mamaulka Jubbaland.

Diiwaanka wararka

Radido Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com