Ciidamada NISA ayaa galabta xiray Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkisa, kaddib markii ay dhowaan soo baxday warar sheegaya in magacaabiddiisa ay kaalin ku laheyd Al-Shabaab.
NISA ayaa sheegaya in in Axmed C/llaahi Xasan oo ahaa Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Gobolka Banaadir iyo kuxigeenkiisa Axmed Jimcaale la xiray, kuwaasoo lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Arrintan ayaa aheyd mid layaab laheyd in markii u horeysay Al-Shabaab, kaalin ama xubno rasmi ku yeeshaan Rugta Ganacsiga, iyadoo horay u jirtay in Al-Shabaab canshuuro ka qaadayeen Ganacsatada Muqdisho iyo alaabaha ka soo dega Dekeda Muqdisho.
Hey’adda NISA ayaa muddooyinkii u dambeeyay qaaday tallaabooyin wax ku ool ah amniga Caasimadda, waxaana jiray howlgalo lagu soo qabtay dad lagu tuhmayo Al-Shabaab iyo kuwo falal amni lid kubah faraha kula jiray, tan iyo is bedelkii hey’adda ku dhacay iyo Hoggaanka cusub ee NISA ayaa waxaa soo kordhayay in dib u soo laabtay maqaamkii hey’adda iyo awooddii ay hey’adda u laheyd dhanka amni sugida iyo xuuraanka, waxaana la howlgeliyay ciidamo qarsoon oo dhar cad ah, iyadoo meesha laga saaray ciidankii hubeysnaa ee muuqday, waxaana tallaabadaas ay horseed u noqotay mira dhalka howlgalo lagu sugay Amniga magaalada, waxaana inta badan yaraaday falalka khaarijinta ragga bastooladleyda ku ugaarsan jireen dadka kala duwan.
COMMENTS