Ciidamada NISA ee dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa xalay qabtay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah siyaasiinta mucaaradsan xukuumadda madaxwayne Farmaajo.
Siyaasiga ayaa laga qabtay hoyga uu ka daganyahay magaalada Muqdisho oo u dhow garoonka Aadan Cadde, ilaa afar ka mid ah ilaaladiisa ayaa la xaqiiyay in lagu dilay howlgalka lagu soo qabanayay kadib markii ay rasaas ay kala horyimaadeen ciidamada NISA ee howlgalka fulinayay.
Siyaasiga ayaa magaalada Muqdisho ka waday kulamo ka dhan xukuumadda madaxwayne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, isagoona la sheegay inuu xiriir la lahaa dowladda Imaaraatka Carabta.
COMMENTS