Calmiskaad: Ciidamada Puntland, ayaa la wareegey taliskii u danbeeyey ee Kooxda Dac’i,sh ku lahayd buuraha Calmiskaad kaasoo ahaa Togga Miiraale, War kooban oo lagu baahiyey barta Facebook ee Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada, ayaa lagu sheegay in ciidamado maanta la wareegeen goobihii ugu muhiimsanaa oo ah dhul aan wado lahayn ooc ciidamadu lugaynayeen boqolaal KM oo buuro iyo togag ah.
“Allaahu Akbar, Ciidanka Dowladda Puntland oo maanta hawlgal ka sameeyay aaga Ceelka Togga Miiraale, ayaa laayey Argagixiso ku dhuumalaysanaysay Miiraale, iyagoo kasaaray Godadkii. Dhameystirka Wejiga 3-aad ee Hawlgalka Calmiskaad.” ayaa lagu yiri warka hawlgalka.
Ciidamada Puntland ayaa labadii todobaad ee u danbeeyey Kooxdan baacsanayey iyagoo gaadiid ka dhigtay Dameero iyo Awr, dhowaana waxaa baraha bulshada ku baahay muuqaal laga duubay ciidanka Puntland oo Qoryaha Dashiikaha ku rartay dameero taasoo muujinaysa sida ciidamadan ay uga go’an tahay inay Godkasta ugu galaan Argagixisada.
COMMENTS