Ciidamada Puntland oo la Wareegay Dhufayso Horleh oo ISIS

Ciidamada Puntland oo la Wareegay Dhufayso Horleh oo ISIS

Ciidamada Puntland ayaa la wareegey dhufaysyadii u danbeeyey ee Kooxda Daacish, deegaanada maanta laga qabsaday Argagixisada waxaa kamid ah Curaar, Dararmadoobe iyo Buuraha afarta koone ka xiga Gaatir Ooadan.

Ciidamada Dawlada Puntland, ayaa afarta dhinac ka xiga deegaanka Gaatir-Oodan oo ah dhufayska keliya ee Daacish ku dagaalami karto, Ilo wareedyo Amaan ayaa sheegaya in Kooxda Daacish aysan lahayn awood ay kusii dagaalami karto, waxaana hadda u fudud ciidanka Puntland inay si dhibyar ula wareegaan deegaanka Gaatir-oodan.

Daacish ayaa hadda maraysa ciqaabtii u danbaysey ee ciidamada Puntland marinayaan, waxayna kujiraan rafashadoodii u danbeysey, Xaalka Daacish wuxuu lamid yahay naf kalxamaka soo gaartey oo aan laga rajo qabin sii noolaasho.

Diiwaanka Wararka | Warbaahinta Daljir

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com