Ciidamada Somaliland oo howlgal ku soo qabtay Hub

Ciidamada Somaliland oo howlgal ku soo qabtay Hub

Ciidamada Booliska Soomaaliland ee ku sugan Gobolka Sool ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay kusoo qabteen hub Sharci darro ah iyo waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha qeybta Booliiska ee gobolka Sool Gaanshaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay, kaidb markii cabasho ay ka timid qaar kamid ah Shacabka ku nool Gobolka Sool.

Howlgalka intii uu socday ayaa waxaa ay Ciidamada sidoo kale gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo la sheegay inay isticmaalayeen kana Ganacsanayeen waxyaabaha maanka dooriya.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada Soomaaliland holwgallo kala duwan ay sameeyeen ayaa waxaa ay kusoo qabteen waxyaabaha maanka dooriya iyo dadkii ka Ganacsanayay, kuwaas oo xukun lagu riday.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com