Ciidamada Uganda oo toogasho ku diley wadaad Muslim ah

Ciidamada Uganda oo toogasho ku diley wadaad Muslim ah

Ciidamada amaanka dalka Uganda ayaa toogasho ku dilay wadaad Muslim ah oo lagu eedeeyay in uu la shaqeynayay koox hubeysan oo lala xiriirinayo qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay caasimadda Kampala.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheikh Muhammad Abas Kirevu uu u shaqaaleysiiyay unugyo ay maamulaan Allied Democratic Forces (ADF) – fallaagada kuwaas oo ballan qaaday in ay daacad u yihiin kooxda dowladda Islaamiga ah.

Booliska ayaa sheegay in Sheikh Muhammad Abbas Kirevu lagu toogtay Nsangi, oo ka tirsan degmada Wakiso ka dib markii ay boolisku isku dayeen inay soo xiraan balse uu la dagaalamay.

Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo ka dhacday magaalada Kampala.
In ka badan 30 kale ayaa ku dhaawacantay weerarka, oo IS ay sheegtay inay ka dambeysay, waxaana saraakiisha ay ku eedeeyeen ADF.

Jabhadda Islaamiga ah ee ADF ayaa lagu aasaasay Uganda sagaashamaadkii balse hadda waxay saldhigeedu yahay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Tan iyo markii ay u ballanqaadeen inay daacad u yihiin IS sanadkii 2019, waxa ay si isa soo taraysa weeraro ay ku fulinaysay magaca kooxda.

21 qof ayaa la xiray tan iyo weerarkii Talaadadii, iyadoo booliisku ay ku tilmaameen burburinta unugyada argagixisada ADF ee Kampala iyo guud ahaan dalka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com