Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf kulmiye ayaa Warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in Ciidamada oo ka war helay Gaari Shabaaab a u siday Hub iyo maleshiyaad hubeysan ay fuliyeen howlgalkaan.
Guddoomiyaha ayaa sheegay markii lagasoo tago dilka Shabaabka in ciidamada dowladda ay gacanta ku dhigeen Hubkii ay wateen iyo labo gaari.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay ayaa yiri,” Ilaahey fadligiida, Khawaarijta xaley kamiin ay ku halaagmeen tobanaana ay uga bakhtidey gaadiidna looga gubey ayaa aaga Xarardheere.
Waa khasaarihii ugu weynaa ee Shabaab gaara dhawaanahan, wuxuuna yimid xilli maalmihii ugu dambeeyay ay Shabaabku isku arursanayeen degaano hoos yimaada degmada Xarardheere.
COMMENTS