Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Itoobiya oo Kismaayo Gaaray

Axad, Janaayo 03, 2016 (Daljir) —Garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa goordhow kasoo dagay ku dhawaad 250 askari oo ka socda Itoobiya, kuwaa oo qeyb ka noqon doona howlgallada ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaaliya.

Ciidamadan oo aad u qalabeeysan ayaa waxaa ay kasoo dageen garoonka diyaaradaha, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay madaxda ugu sareeysa ee Jubaland.

Maalin kahor ayay ahayd markii magaalada Kismaayo ay soo gaareen saraakiil ka socotay ciidamada Itoobiya, kuwoo oo qiimeyn ku sameeynayay goobihii la dejin lahaa ciidamada maanta yimid.

 

 

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com