Ciidamo katirsan Puntland oo khasaare kasoo gaaray qarax kadhacay agagaarka Galgala

Ciidamo katirsan Puntland oo khasaare kasoo gaaray qarax kadhacay agagaarka Galgala

Askari katirsan ciidamada Puntland ayaa geeriyooday, laba kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray qarax kadhacay deegaanka Balli-qadar oo katirsan buuraha Calmadow ee u dhow Galgala.

Qaraxa ayaa dhacay duhurnimadii xilli ciidamada ay kusoo jeedeen magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Sarkaal dhanka amaanka ayaa u xaqiijiyay radio Daljir inuu qaraxu ahaa miino dhulka la geliyay.

Dowladda Puntland ayaa dagaallo kula jirta Al-shabaab oo ku dhuumaalaysanaya deegaanada buuraha Calmadow muddo ka badan toban sano.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com