CIIDAMO LAWAREEGAY DEGMADA MATABAAN

CIIDAMO LAWAREEGAY DEGMADA MATABAAN

Ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya ayaa maanta lawareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan sida ay noo xaqiijiyeed dadka deegaanka.

Ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kana tirsan Taliska qeyta 21-aad ee xoogga dalka ayaa waaberigii horey ee saaka qabsaday guud ahaan Matabaan.

Ciidankan ayaa waxa ay la wareegeen xarumo muhiim ah oo ku yaalla degmada, sida baraha koontaroolada lasoo galo Matabaan iyo Saldhiga Booliska, xili ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka qeyta 21-aad ee xooga dalka oo ay uga hadlayaan Ciidanka la qarameeyay ee horey uga tirsanaa Maamulkii Ahlusunna Waljameeca ee la wareegay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com