50 Sarkaal oo u dhashay dalka Uganda oo la shaqeynayey Hawlgalka AMISOM ayaa shalay lagu abaalmariyey Billado kaalintii ay ka qaateen Dib-u-soo-celinta Hawlaha Ammaanka iyo Nabadda ee Somaalia.
Taliyaha Ciiddanka AMISOM, Jeneral Tigabu Yilma Wondimhunegn oo ka hadlay Munaasbaadda lagu abaalmarinayey Saraakiishaasi waxa uu ku ammaanay sida daacadda leh ee ay uga shaqeeyeen Nabadda iyo Ammaanka ay ku naalloonayaan dadka iyo Dowladda Somalia, waa sida uu hadalka u yiri.
Si kastaba ha ahaatee, Saraakiisha AMISOM ee in ka badan 6 bilood ka shaqeeya Xarumaha dhexe ee AMISOM waxaa lagu abaal-mariyaa Billaddaha Ururka Midowga Afrika ee lagu xaqiijinayo hawshooda.
COMMENTS