Ciidanka DANAB oo howlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidanka DANAB oo howlgal ka sameeyay duleedka Kismaayo

Ciidanka Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed ee DANAB gaar ahaan Ururka 5aad Guutada 16aad ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo miino baaris ah ka sameeyeen degaano ku teedsan duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada oo watay Gaadiidka daaalka noocyadiisa kala duwan ayaa howlgalka sigaar ah uga fuliyay wadada u dhaxeeysa Magaalada Kismaayo iyo degaanka Buulo-xaaji, halkaas oo todobaadkii hore ay ka dhaceen ilaa 9 qarax oo dad rayid ah ay dhimasho & dhaawac ku noqdeen.

Saraakiisha Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay kusoo saareen miinooyin ay wadada ku Aaseen Al-Shabaab halka kuwo kale ay qarxiyeen, wallow aysan sheegin dad ay ku qabteen howlgalkaas.

Sidoo kale saraakiisha Ciidanka DANAB waxaa ay sheegeen inay sii wadi doonaan howlgallada miina baarista ah ilaa iyo inta ay Al-Shabaab ka saarayaan degaannada hoostaga Magaalada Kismaayo, halkaas oo mararka qaar ay weeraro ka geystaan.

Inta badan degaannada kuyaalla duleedka Magaalada Kismaayo ayaa Ciidanka DANAB & kuwa daraawiishta Jubbaland ay howlgallada ka fuliyaan balse waxaa sidoo kale mararka qaar weeraro ka geysta Ururka Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com