Ciidanka dowladda Puntland iyo Daacish oo rasaas isku waydaarsadey duleedka Qandala.

Qandala, Nov 10 2016–Wararkii ugu dambeeyey ee kusoo dhacaya warqabadka Daljir ayaa sheegaya in shalay gabalgaabkii degmada Qandala duleedkeeda uu dagaal kooban kudhexmaray ciidanka dowladda Puntland iyo kooxda Daacish.

Gudoomiyaha degmada Qandala ayaa Daljir u sheegay in dagaalka oo ahaa mid aan xooganayn maadaama xilligu uu noqday mid habeen ah ayaa waxa uu kadhacay banaanka degmada oo ay gaareen cutubyo katirsan ciidamada dowladda Puntland.

Gudoomiyaha degmada Qandalla Jaamac Maxamed Khuurshe ayaa sheegay in dagaal kooban uu kadhacay aaga Qandala, wuxuuna si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidanka difaaca dowladda Puntland ay dhanka berriga iyo baddaba ka joogaan magaalada Qandala.

Dagaalkaan ayaa kusoo aadaya xilli ay degmada Qandala ka barakeceen dadkii shacabka ahaa ee kunoolaa iyadoona ay dhanka badda ka duqeeyaan maraakiibka dagaalka ee kusugan xeebaha Soomaaliya.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com