Ciidanka Dowladda Somaaliya oo kaashanaya AMISOM oo howlgalo kawadda Shabeelaha Hoose

Ciidanka Dowladda Somaaliya oo kaashanaya AMISOM oo howlgalo kawadda Shabeelaha Hoose

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa howlgalo ka wada deegaano hoos tagga Kuntu-waarey oo ay shalay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Nuurdiin Ibraahim Aadan Gudoomiye Kuntu-waarey oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada ay howlgada in ay ku jireen ay arkeen Meydad uu sheegay in ay ahaayeen Dagaalamayaal katirsanaa Al-Shabaab oo Shalay Deegaankaasi Weeraray.

Ciidamada ayuu tilmaamay in ay ka fiijigan yihiin weeraro kale oo ay Al-Shabaab ku qaadaan inta ay ku guda jiraan howlgalkooda.

Gudoomiye Nuurdiin ayaa in Ciidamada AMISOM ee dhaawacyada kasoo gaaray dagaalkii shalay loosoo qaaday Magaalada Muqdisho, halka kuwa soo gaaray Dhaawacyada fud-fudna lagu daweeyay Xeryo Ciidan oo Ciidamada Uganda Deegaanka ku leeyihiin.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com