Ciidanka Koonfur Galbeed oo dagaal la’aan kula wareegey degmada Tiyeeglow.

Tiyeeglow, Nov 14 2016–Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay saaka aroorti hore gacanta kudhigeen degmada Tiyeeglow oo ay gacanta kuhayeen ururka Alshabaab.

Xubno katirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed ay hada si buuxda gacanta ugu hayaan Degmada, sidoo kalena ay wadaan Howlgallo ka dhan ah Shabaab.

Guud ahaan maamulka degmada Tiyeeglow ayaa waxaa dagaal la’aan la wareegay Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii ay ka baxeen Shabaabkii halkaasi ku sugnaa.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com