Ciidanka xoogga dalka oo weeraray degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo weeraray degaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad ayaa howlgallo xoogan saacadihii la soo dhaafay ka sameeyay degaano katirsan Gobolka Baay ee dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgalkan oo ay ay fuliyeen Ururka 154aad guutada 8aad ee qeybta 60aad ee xoogga dalka ayaa laga fuliyey degaannada Saaxada Raaxoole, Gaanuwaay, Degolool, Banyaal, Biilale, Degomar, kurmaan iyo deegaano kale ee dhaca Woqooyi Galbeed degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Howlgalkan oo uu hoggaaminayey Taliyaha ururka 154 guutada 8aad qeybta 60aad ee xoogga dalka Xidigle Xasan Adan Cali ayaa ku sheegay howlgalka in uu ahaa bartilmaameedkiisa in laga hortago Xubno katirsan Al-Shabaab oo ku dhuumaleysanayey hoodka fog ee Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Taliyaha Ciidanka Xidigle Xasan Aadan Cali wuxuu sheegay in ay weerar qorsheysan ku qadeen goobo la sheegay inay isku aroorsanayeen Al Shabaab balse markii ay ka war heleen aya isaga tageen, isla markaana howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab ay sii wadi doonaan.

Dhowr jeer ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Koonfur Galbeed waxaa ay howlgallo xoogan ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, kadib weeraro ay soo qaadeen Al-Shabaab.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com