Garoowe, Nov 04 2016–Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf Jamriil oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya kana mid ah xildhibaanada kasoo jeeda deegaanada Puntland oo Maanta lahadlay Radio Daljir ayaa Waxa uu kahadlay soo xulista Xubnaha Aqalka Hoose ee Puntland umatalaya doorashada soomaaliya iyo cabashada kasoo yeeraysa Qaar kamid ah Beelaha dagan deegaanada Puntland.
Xildhibaan Cabdibare Yuusuf jabriil ayaa sidookale Waxa uu xubno katirsan Golahiisa Wasiirada Puntland ku eedeeyay in ay gacan saar la leeyihiin una ololeeynayaan Madaxweynaha xil hayntiisa Dastuuriga ah ay dhamaatay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoona sheegay in Wakiilo uu soo dirsaday Xasan sheeq Maxamuud ay ku suganyihiin haatan Magalaada Garowe
COMMENTS