Moqdisho, Aug 28 – Waxaa xilligaan xarunta Iskuul-boolisiya Moqdisho ka socota codayntii doorashada af-hayeenka baarlamaanka Soomaaliya, waxaana wali socota munaasabadii ay xildhibaannadu murashaxiinta codkooda ku siinayeen.
Lama saadaalin-karo ilaa iyo hadda murashaxa ugu codka badan, waxaana codayntu ay xilligaan maraysaa wareegii 1-aad.
Ammaanka xarunta iskuul-boolisya Moqdisho ayaa aad loo adkeeyay maantay, waxaana la filayaa in munaasabadaan ay soo gaba-gaboowday galabtay haddii rabbi-idmo.
Waxaa maantay hakad lagaliyay guud ahaanba wararkii iyo barnaamijyadii idaacadda Daljir, waxaana idaacaddu si toos ah ugu xirantahay munaasabada loogu codaynayo murashaxiinta u tartamaya guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Wixii war ah oo kasoo kordha arrimaha doorashada guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya waxaad ku maqli-doontaan wararka iyo barnaamijyada dambe ee idaacadda Daljir.
Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.
FAALLOOYIN & FALCELIN