COLAADDA BARIGA MUDUG OO XAL BILOW AH LAGA GAARAY

COLAADDA BARIGA MUDUG OO XAL BILOW AH LAGA GAARAY

masuuliyiin ka tirsan maamulada Galmudug iyo Puntland oo iskugu jira wasiiro, xildhibaano, maamulada heer gobal, heer degmo, Taliyaasha Booliska Gobalka Mudug ee Galmudug iyo Puntland iyo Taliye ku xigeenka Ciidamada isku dhafka ee Gobolka Mudug ayaa kulankii 2aad ee xal-u-helida colaadda beelaha walaalaha ee Bariga Gobolka Mudug iskugu yimid.

Kulanka oo ka dhacay dhulka miyiga ee u dhaxeeya Afbarwaaqo iyo Buq-qallooc ayaa masuuliyiintu kulan isugu yimid soo saareen qodobada soo socda:

1. In berri galinka hore dib loo kala qaado ciidamada iyada oo amniga deeganka ay la wareegi doonan Ciidamada Isku dhafka Gobolka Mudug
2. In dib loogu sooceliyo maatadii ka qaxday deeganka iyada oo kaalin weyn ay ka geysan doonaan maamulka iyo ciidamada Isku dhafka
3. In gogol nabadeed loo dhigo labada beelood ee colaaddu dhexmartay | Najiib Xassan Fanax

Diiwaanka wararka | Daljir Media

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com