Wararka aan ka helayno dadka deegaanka iyo masuuliyiinta qaar ee deegaanka Qandala ayaa sheegaya in makhribkii ururka Daacish uu weerar culus ku soo qaaday ciidanka difaaca aagga Qandala.
Weerarka ayaa dhacay afur kaddib ayada oo lagu jiro salaadda Maqrib. Warar horudhac ayaa hadda sheegaya in khasaaruhu yahay 5 dimasho ciidanka, dhaawacna uu jiro.
Weli wararku ma sugna isgaarsiinta deegaanka oo hawada laga saaray awgeed.
Daacish ayaa mar qabsatay Qandala, dagaal adag kabacdina laga saaray, laakiin marnaba kama aysan fogaan buuraha ka agdhow deegaanka Qandala.
Ciidamada Daacish ee weeraka gaystay ayaa dadka deegaanku Daljir ku wargaliyeen in ay ku jiraan rag 3 maalmood kahor laga siidaayey xabsiga Bossaso.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Yuusuf Wacays Dhedo, ayaa 3 beri kahor xabsiga ka sii daayey, cafisna u fidiyey rag isugu jira Alshabaab iyo Daacish horayna weeraro iyo dilal qorshaysan uga gaystay Puntland. Lama shaacin awoodda loo ageegsaday cafiska, lamana wargelin ehelada iyo agoonta weerarada Daacish iyo Alshabaab ay naafeeyeen.
Hoos ka daalaco warbixinta Radio Daljir iyo cafiskii Daacish ee 21kii Juun.
Faahfaahin dheeraad ah iyo waraysiyo dadka deegaanka Daljir kala soco.
Diiwaanka wararka
Radio Daljir
COMMENTS