Daalibaan oo la wareegtay magaaladii labaad ee ugu weyneed Afghanistan ee Kandahar

Daalibaan oo la wareegtay magaaladii labaad ee ugu weyneed Afghanistan ee Kandahar

Ururka Daalibaan ayaa qabsaday magaalada Kandahar oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan,taas oo dhabar jab ku ah dowladda guul weynna u ah mintidiinta.
Magaalada Kandahar waxay mar ahaan jirtay xaruntii Daalibaan, waxayna muhiim u tahay istaraatiijiyad ahaan xarun ganacsi.

Mucaaradka ayaa sidoo kale qabsaday magaalada u dhow ee Lashkar Gah waxayna hadda gacanta ku hayaan qiyaastii saddex meelood meel caasimadaha gobollada Afghanistan.

Tobanaan kun oo rayid ah ayaa ka qaxay gobolo badan oo ka mid ah dalka Afghanistan.
Dad badan ayaa u cararay caasimadda Kabul si ay nabad u raadsadaan waxaana lagu arkayaa wadooyinka magaalada Kabul dad badan oo wadooyinka seexanaya.

In ka badan 1,000 qof oo rayid ah ayaa lagu dilay Afghanistan bishii la soo dhaafay, sida ay sheegtay QM.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo ah in mintidiintu ay sii wadi doonaan gulufka deg-degga ah ee ay ku hayaan Kabul.

Kandahar waa meesha lagu aasaasay ururka Daalibaan,waana magaalo oo ay ku nool yihiin 600,000 oo qof.

Waxay qabsadeen duleedyada magaalada dhowr toddobaad ka hor inta aysan weerarkooda ku qaadin xarunta.

Horumarka ay gaarayaan maleeshiyaadka Daalibaan ayaa imanaya kadib markii ciidamada Mareykanka iyo kuwa kale ee shisheeye ay isaga soo baxeen 20 sano oo hawlgallo milatari ah.

Mareykanka ayaa ku dhawaad ​​3,000 oo askari u diraya gegida dayuuradaha ee Kabul si ay uga daadgureeyaan tiro aad u badan oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda.

Sidoo kale,Boqortooyada Midowday (UK) waxay u diraysaa 600 oo askari si ay u taageeraan muwaadiniinta Ingiriiska ah ee dalka ka baxaya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com