Waa kaartuun la xardhay sannadkii 2018 markii koowaad ee Donald Trump madaxweyne loo doortay, markaas oo uu bilaabay in uu meel kasta la shirtago “Oggolaan mayno in Shiinuhu dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan nooga hormaro oo dagaal baan ka xignaa.”
Lix sano kabacdi Trump mar kale ayaa loo doortay madaxweynaha Mareykanka, laakiin marakan Shiinaha iyo Ruushkuba kuwii lix sano kahor maba aha oo waa ka sii hormarsanyihiin, milatari ahaan waa ka xoog badanyihiin, kana dhaqaale fiicanyihiin lix sano kahor. Mareykan asna kii hore ma aha oo waaba sii wiiqmay, dhan dhaqaale, dhan milatari oo maanta xataa adduunka kuma leh magac iyo maamuus toona, qof walbana maankiisa waxaa ka guuxaya Gaza iyo Ukraine
Dhanka doolarka iyo isticmaalka adduunka oo ah waxa Mareykan u suurtagaliya in uu suu rabo lacagta doolarka (USD) u daabacdo, meeshuu rabo ku baxsho, oo hadana marna uusan doolarku qiimo dhicin, asna wuxuu marayaa meeshii ugu hooseysay 20kii sano ee la soo dhaafay. Meesha 20 sano kahor doolarku haystay 66% isticmaalka dunida, dhammaadka sannadkaan waxaa la qiyaasayaa in uu ka hoosmaro 50%, taas oo haddana suurtagalisay in waddan walba uu lacagtiisa waddamada kale kula beecmushtaro.
Mareykanka ayaa hore isticmaalka iyo isdhaafsiga lacagaha ku haystay hay’adda la yiraahdo SWIFT oo awal fasaxeeda la’aantiis aadan doolar meel kale u diri karin. Isticmaalka SWIFT ayaa badi qaata 3 maalmood in meel lacag laga diro oo meel kale loo diro. Laakiin maantadaan Shiinuhu asaga oo isticmaalaya lacagtiisa Renminbi (RMB) si digital ah waxaa ganacsade Shiinaha joogaa uu ganacsade kale oo Abu Dhabi jooga (cross border settlement) lacag u wareejiyey wax ka yar 7 ilbiriqsi.
Waddamo ay kamidyihiin Ruushka, Shiinaha iyo Indiya ganacsigoodu hadda badi waxa lagu kala beecmushtaraa dal walba lacagtiisa oo doolar oo dhan waa laga maarmay.
Intaas oo xaqiiqo kabacdi, weli Maraykanka iyo reer Galbeed oo dhan waxay taaganyihiin ma oggolin in Shiinuhu naga hormaro oo dagaal baan ka xignaa, Ruushkana dagaal waaba ku qaadeen, waana ku khasaareen.
Sida taariikhdu qorayso weli lama hayo gumeyste (empire) ka warhaya waaga gabbalkiisu dhacayo, ka soo biloow tii Roman Empire, kuwii Portugal iyo Spain iyo tii ugu dambeysay ee British Empire. Kaliya ayaga oo isla weyn bay subax ku waabariistaan ayaga oo aan waxba isla hayn.
Ma u malayneysaa in Mareykanku uu weli isla jidkaas hayo?
> Daljir Media
COMMENTS