Dad badan oo ku geeriyooday Daadka ku dhuftay dalka Yemen

Dad badan oo ku geeriyooday Daadka ku dhuftay dalka Yemen

Ugu yaraan 40 qof ayaa ku geeriyootay daadad ka dhashay roob mahiigan oo ka da’ay galbeedka dalka Yemen.

Saraakiisha maamulka Xuutiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka ayaa xaqiijiyay tirada dadka ku naf-waayay daadadka, waxay kaloo sheegeen in qoysas daganaa ilaa 500 oo guri oo ku yaalla gobolka Xudeydah la daad-gureeyay, isla markaana waddooyin badan ay biyuhu gooyeen.

Xafiiska Isku-duwidda gargaarka bani’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee loo soo gaabdho (OCHA) ayaa Arbacadi sheegay, in ay hey’adaha bah-wadaagta kula ah gargaarka ay billaabeen in ay gargaar u diraan Xudeyda, xilli ay taagan tahay baahi deg deg ah oo ay qabaan qoysaska ay daadadku barakiciyeen.

Gobolka Xudeyda ayaa ka mid ah gobollada ay maamulaan Xuutiyiinta Waxa uu leeyahay dekadda ugu weyn Yemen, taas oo Xuutiyiintu loo soo marsiiyo hubka uga yimaada Iran.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com