Dadka danyarta ee ku nool kaamamka dadka soo barakacay ee magaalada Bosaaso ayaa sheegay samaayn inay ku yeelatay noloshooda diidmada lacagta shilin Soomaaliga, kor u kaca qiimaha cuntada iyo doolarka.
Dadkan oo kasoo barakacay Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya iyo Itoobiya kuna sugan kaamamka dadka soo barakacay ayaa noloshooda waxa ay ku tiirsantahay xamaalka, dhismaha guryaha iyo qaadidda qashinka, waana dad aad ay ugu yartahay isticmaalka doolarka oo inta badan goobaha ganacsiga wax lagu qiimeeyo.
Baashe Yuusuf Xirsi Cagawayne waa guddoomiyaha kaamka Banaadir A oo ay ku jiraan 879-ayaa Wariye Xasan Heykal uga waramay xaalada kaamka kajirta.
COMMENTS