Dagaal Beeleed Ka Qarxay Dureera ee gobolka Sanaag

Dagaal Beeleed Ka Qarxay Dureera ee gobolka Sanaag

DEG-DEG: Dagaal khasaare xooggan dhaliyay oo u dhexeeya beelo walaalo ah ayaa saaka ka qarxay dooxada Dureera ee gobolka Sanaag. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ay dagaalka ku dhinteen in ka badan 10 qof, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen, inkastoo aan weli la helin tirada rasmiga ah ee khasaaraha dhabta ah.

Dagaalkan ayaa la sheegay inuu salka ku hayo muran beeleed soo jiitamayay muddooyinkii lasoo dhaafay, kaasoo marar hore laga dhex-dhexaadiyay, balse maanta mar kale cirka isku shareeray.

Ciidamo ka socda maamulka SSC-Khaatumo ayaa gaaray goobta dagaalka, iyagoo isku dayaya in ay xakameeyaan xiisadda. Wararka ayaa intaa ku daraya in hadda xaaladdu degan tahay, inkastoo laga cabsi qabo in dagaalku mar kale dib u qarxo haddii aan si degdeg ah xal waara loo helin.

Weli, ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka gobolka Sanaag oo ku saabsan dagaalkan iyo tallaabooyinka laga qaadayo si loo joojiyo colaadda. Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan in xiisadda sii daba dheeraato, maadaama ay horay u jireen isku dayo nabadeed oo guuldarraystay.

> Daljir Media

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com