Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaal u dhaxeeya ciidamada Dawladaa Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka iyo Alshabaab uu ka socda deegaanka Baar-dheere oo ku yaal Koonfurta Magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu bilowday ka dib markii xubno ka Tirsan Alshabaab ay weerar ku qaadeen Fariisin ciidamadda Dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ay ku lahaayeen degaankaas waxana labada dhinac ay isku adeegsadeen Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Xubnaha ka tirsan Alshabaab ee weerarka ku qaaday degaanka Baardheere ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in webiga ay ka soo gudbeen.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka balse ciidamadda dawlada Federaalka iyo kuwa degaanka ayaa la sheegay in gurmaad uu gaaray dagaalkana sidaas uu ku sii xoogeystay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com