Wararka naga soo gaaraya koonfurta gobolka Sool ayaa sheegaya in dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawacba gaystay uu ka dhacay saaka deegaankaasi .
Dagaalka ayaa ka dhacay Tulada Dhumay ee gobolka Sool kaas oo dhexmaray laba beelood oo ood wadaag ah.
Inta la xaqiijiyay ilaa kudhawaad 40 qof oo labada dhinac ah ayaa ku dhintay dagaalkan ,waxaana la soo sheegayaa in dhaawac uu intaasi ka badan yahay .
Beelahan ayaa mudu dheer ku dagaalamayay deegaanka Dhumay , wuxuuna dagaalkooda uu salka ku hayaa dhul daaqsimeed laysku qabsaday iyo xoolo lakala dhacay .
Wararka ay helayso idaacada Daljir ayaa sheega in maamulka Soomalailand uu la saftay mid kamid ah labada beelood oo ay dirirtu dhexmartay.
Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame oo waraysi siiyay radio Daljir ayaa ka waramaya dagaalkan iyo xiliga uu bilowday.
COMMENTS