Dagaal udhexeeya ciidamada Generaal Xuud iyo dowladda oo ka dhacay Baladweyne

Dagaal udhexeeya ciidamada Generaal Xuud iyo dowladda oo ka dhacay Baladweyne

Dagaal u dhaxeeya Ciidanka Generaal Abuur Xuud oo dhinac ah iyo Ciidanka isugu jira Haramcad Booliska Hirshabelle ayaa maanta ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Beledweyne.

Dagaalka oo waqti kooban socday ayaa dhacay abaara 06: 40 ee Subaxnimo waxuuna ka dhacay Buundo koobaad iyo Daraawiishta.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidan Daacad u ah Generaal Xuud oo ka careeysan dadka shacab ah oo dhan Lix ruux oo maamulka Hirshabelle Beledweyne ku xereen aay weerar kusoo qaadeen ciidanka iskaashanaya oo Aroortii hore ee saakay isku Gadaamay wada laamiga ah ee dhaxmarta gudaha magaalada.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dhashay jawiga Beledweyne ayaa maanta u muuqda mid kacsan.

Ciidamo isugu jira Militari Haramcad iyo Booliska Hirshabelle ayaa isku fidiyay xaafadaha magaalada iyo wada dheer ee laamiga, Ciidankii Generaal Xuud ayaa iyane dib ugu laabtay fariisinkii aay kasoo Duulaantageen sida illo ku dhow Generaal Abuur Xuud aay Xaqiijiyeen.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com